Raisulwasaaraha oo daah-furay hananka lacag bixinta ee SIP.

Raisulwasaaraha oo daah-furay hananka lacag bixinta ee SIP.

Waxaa si rasmi ah loo daah-furay adeegga casriga ah ee ๐’๐ˆ๐๐’ (๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š ๐ˆ๐ง๐ฌ๐ญ๐š๐ง๐ญ ๐๐š๐ฒ๐ฆ๐ž๐ง๐ญ ๐’๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ž๐ฆ), oo ah nidaam lacag-bixin deg-deg ah, ammaan ah, iskuna xiraya adeegga lacagaha taleefoonada gacanta ee bangiyada kala duwani bixiyaa (mobile Wallets).

๐’๐ˆ๐๐’ wuxuu kuu fududeynayaa inaad si degdeg ah lacag u ๐๐ข๐ซ๐ญ๐จ ama wax ku ๐ข๐ข๐›๐ฌ๐š๐ญ๐จ adigoo isticmaalaya taleefonkaaga gacanta. Nidaamkan casriga ah wuxuu kor u qaadaya ka-qaybgalka bulshada ee nidaamka maaliyadeed ee dalka, wuxuuna dhiirrigelinayaa isticmaalka teknoolojiyada lacag-bixinta oo casri ah.

Nidaankaan waxaa iska kaashaday bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo bangiyada gaarka loo leeyahay.

SIPS wuxuu u faaโ€™iideyn doonaa dhammaan qaybaha bulshada iyo guul ahaan dhaqaalaha dalka:

๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š (๐Œ๐š๐œ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ๐ก๐š): Waxay heli doonaan fursad ay lacag si fudud udiraan, ama wax ku iibsadaan, iyagoo isticmaalaya taleefannadooda gacanta isla-markaana aan wax dhib ah kala kulmin haddii qofka ama ganacsiga ay lacagta u dirayaa leeyahay bangi kooda ka duwan.

๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š: Waxay heli doonaan nidaam lacag-bixin casri ah, oo fududeynaya in macaamiishoodu wax ku iibsan karaan taleefonkooda gacanta xitaa haddii ay leeyihiin bangi ka duwan kan ganacsaduhu isticmaalo.

๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š: Waxay u suurta galinaysaa inay nidaamka SIPSu isticmaalaan lacag-bixinta degdegga ah, sida uruurinta cashuuraha iyo khimadaha adeegyada dowladda iyo bixintamushaarooyinka, iwm.

๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐: Nidaamkan wuxuu taageerayaadhaqaalaha โ€œdigital-kaโ€ ah, isagoo yareynaya caqabadahalagala kulmo lacag-bixinta, islamarkaana dadka oo dhansiinaya fursad ay qeyb uga noqon karaan adeegga maaliyadda (access to financial services).

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus (0 )