
Tunisia: Orange Oo Si Rasmi Ah U Daahfurtay 5g Iyo Router Wifi 6
Shirkadda isgaarsiinta Orange ee Tunisia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday bilowga adeegga 5G, taas oo ah tillaabo casri ah oo albaabada u furaysa xawaaraha sare ee internetka. Horumarkan wuxuu muujinayaa isbeddel weyn oo ku yimaada dhanka dijitaalka ah ee dalka, isaga oo Orange Tunisia ka dhigaya hormuudka hal-abuurka dhanka isgaarsiinta. Adeegga 5G wuxuu buuxinayaa baahiyaha sii kordhaya ee isku xirnaanta, ha noqoto dhinaca shirkadaha ama isticmaaleyaasha gaarka ah.
Orange Tunisia sidoo kale waxay soo bandhigtay MAXBOX 5G, router casri ah oo ah WiFi 6, kaas oo loogu talagalay in uu bixiyo xawaare aad u sareey. MAXBOX 5G wuxuu leeyahay doorasho Turbo ah, kaasi oo si gaar ah loogu tala galay dadka jecel ciyaaraha (gaming) iyo daawashada filimada iyo muuqaallada internet-ka ah (streaming).
Intaa waxaa dheer, shirkaddu waxay sameysay “5G Lab,” oo ah xarun tijaabo ah oo lagu baari doono adeegsiyada 5G ee waaxaha muhiimka ah sida; warshadaha, caafimaadka, dhaqanka, iyo waxbarashada. Xaruntan oo u furan shirkadaha, ganacsiyada yaryar (start-ups), iyo jaamacadaha waxay dhiirrigelinaysaa hal-abuurka iskaashiga ku saleysan iyo cilmi-baarista.