Premier Bank iyo Simad oo daah-furay mashruuca LEAP…

Premier Bank iyo Simad oo daah-furay mashruuca LEAP…

Premier Bank iyo Machadka Halabuurka & Ganacsiga ee Jaamacadda SIMAD ayaa maanta si wadajir ah u daahfuray barnaamijka LEAP Microfinance, oo ah mashruuc ay ku baxayso maalgelin dhan $1 milyan. Waxaana maalgeliyay Hay’adda DirectAid Somalia.

Barnaamijkan waxaa loogu talagalay in si gaar ah loogu taageero ganacsiyada yar-yar ee ay hal-abuurkooda leeyihiin ardayda ka qalin-jabiday Jaamacadda SIMAD.

Mashruucan muhiimka ah wuxuu muujinayaa sida ay Premier Bank iyo Jaamacadda SIMAD uga go’an tahay ka qeyb qaadashada horumarinta bulshada, shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha Dalka.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )