
Premier Wallet oo Lagu Soo Kordhiyay adeegyo Cusub…
Premier Wallet oo ka mid ah adeegyada casriga ah ee lacag bixinta taleefanada, ayaa macaamiishiisa u soo kordhiyay adeegyo kala duuwan oo ay ka mid yihiin; MasterCard iyo Visa virtual cards oo u sahlaysa isticmaalayaasha inay si fudud uga dalban karaan gudaha App-ka, kana furan karaan xisaab bangi oo cusub. Kaararkan dijitaalka ah ee cusub ayaa u oggolaanaya isticmaalayaasha in si fudud oo ammaan ah ay wax uga iibsadaan goobaha ganacsiyada iyo online-ka iyagoo isticmaalaya taleefannada gacanta.
Tani waa tallaabo kale oo muhiim ah oo kor u qaadaysa isku xirnaanta adeegyada maaliyeed ee Soomaaliya iyo kuwa suuqyada caalamka. Premier Bank ayaa mar kale caddeeyay doorkiisa hoggaamineed ee horumarinta adeegyada bangiyada casriga ah, isaga oo dhiirrigelinaya isticmaalka tiknoolojiyada maaliyadeed si loo fududeeyo hanaanka lacag bxinta Soomaaliya.