Premier Bank oo soo kordhiyay ATM Cash Deposit..

Premier Bank oo soo kordhiyay ATM Cash Deposit..

Premier Bank ayaa qaaday tallaabo dhaxal gal ah oo wax badan ka bedeli doonta sida ay u shaqeeyaan ATM yada bangiyada Soomaaliya, Premier Bank waxa uu ku guuleystay daah-furka ATM-kii ugu horreeyay ee macaaiisha bangiga ay lacag ku dhigan karaan xisaabtooda. Guushan taariikhiga ah waxay astaan ​​u tahay horumarka la taaban karo ee uu qaaday bangiga waxayna siinaysaa macaamiisha bangiga inay si fudud u dhigan karaan lacagahooda iyagoon tagin xarumaha bangiga.Premier Bank waxa uu mar kasta soo kordhiyaa adeegyo bangi oo caalami ah, soo kordhinta adeegga lacag dhigista ATM-ka ayaa tusaale u ah sida bangiga ay uga go’an tahay inuu daboolo baahiyaha adeegyada maaliyadeed ee dalka.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )