Paymentology iyo Waafi oo heshiis Wada galay…

Paymentology iyo Waafi oo heshiis Wada galay…

Shirkadda Paymentolgy ee fadhigeedu yahay dalka ingiriiksa ayaa heshiis iskaashi la gashay App ka Waafi.

Heeshiiskan ayaa ujeedadiisu tahay in shirkadda Paymentology ay ka caawiso Waafi hanaanka lacag dirista caalamiga ah.

Heshiiskaan ayaa waxa uu sahalayaa in macaamiisha isticmaasha App ka Waafi ay Account ka furan karaan ayaga oo aan tagin xarun bangi, sidoo ay kaararka digitalka ah ka dalban karaaan app ka.

Kirsten Wortmann, agaasimaha Paymentology ee Afrika ayaa tiri:  Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Geeska Afrika keeno kaarka dijitaalka ah ee ugu horreeyay, kaas oo waddada u xaaraya horumarka lacagaha dijitaalka ah iyo kuwa caadiga ah.”

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )