
Khal khal Ku yimid Microsoft oo sababay…
Cilad dhanka Computers ka ayaa subaxnimadii jimcaha ku faaftay adduunka oo dhan, taasi oo keentay in ganacsiyada, bangiyada, isbitaalada iyo shirkadaha diyaaradaha ay si daran u samayso markii shirkadda amniga internetka ee Crowdstrike ay soo saartay casriyeyn software oo saameeyay Microsoft Windows.
Maamulaha guud ee Crowdstrike ayaa raaligelin ka bixiyay carqaladaynta ku timid nidaamka kombuutarada aduunka wuxuuna sheegay in la hagaajin doono ciladda, laakiin wuxuu qiray inay qaadan karto cilad bixinta waqti badan. Iyadoo qaar ka mid ah adeegyada diyaaradaha ay bilaabeen inay caadi ku soo laabtaan ka dib kumannaan duullimaadyo oo la baajiyay, khabiirada dhanka internet ka waxay filayaan in xoogaa dib u dhaca iyo baajintu ay sii socoto doonto illaa dhammaadka toddobaadkan.