
Salaam Bank oo soo kordhiyay VISA Debit & Prepaid Card
Salaam Somali Bank ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay wadashaqeyn la yeesheen Shirkadda VISA si soomaliya ay uga hirgeiyaan kaararka Debit-ka iyo Visa Prepaid Card.
Iskaashigan ayaa ujeedadiisu tahay in uu wax ka bedelo qaabka lacag bixinta dalka iyadoo wanaajin doonta xawaaraha, hufnaanta, iyo amniga lacagaha dijitaalka ah ee Soomaaliya, waxa ayna u sahleysaa macaamiisha iyo ganacsatada in ay si hufnaan ah u macaamiloodaan.
Saciid Macallin oo ah ku xigeenka madaxa Salaam Somali Bank oo wareysi gaar ah siiyay CNBC Africa ayaa iftiimiyay muhiimada istiraatijiyadeed ee iskaashigaan iyo saameynta la filayo in uu ku yeelan doono bangiyada Soomaaliya. Tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo hanaanka lacag dirida moobilada (MMT) ay tahay habka koowaad ee wax kala iibsiga. Soo bandhigista kaararka VISA, Salaam Somali Bank waxa uu qaadayaa tallaabo wax ku ool ah oo ku aaddan casriyeynta kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka.
Ujeedada ugu weyn ee heshiiskan ayaa ah in adeegyada bangiyada la gaarsiiyo dadka aan bangiyada xisaab ku lahayn iyo kuwa ku leh xisaab ee ku dhaqan Soomaaliya.