Premier Bank iyo Mastercard oo soo kordhiyay adeeg fududeynaya lacag bixinta Ganacsiyada Online-ka ah.

Premier Bank iyo Mastercard oo soo kordhiyay adeeg fududeynaya lacag bixinta Ganacsiyada Online-ka ah.

Premier Bank ayaa maanta daahfurey adeegga Premier Payment Gateway oo ah ‘Waa’ cusub oo u beryey ganacsiga Internet ka ee online-ka ah, ahna hilinka uu ganacsaduhu ku kasban karo macmiil ka fog, kagana badbaadi karo in xuduudaha dalalku ay dabraan fiditaankiisa, isaga oo si isku mid ah ugu adeegaya macmiilka dhow iyo kan badaha ka tallowsan intaba.

Adeeggan waxa uu bangigu usoo kordhiyay si ganacsiyada dalka uu ugaga saaro mugdiga ka jira ganacsiga online-ka; una sahlo helidda macaamiil awal ka fogaa. Dhanka kale, waxa uu u fududeynayaa in uu ganacsiga dalkeenu gaaro meel ka fog xudduudiisa deegaan, isagoo sidoo kalena sare u qaadaya dakhliga dhaqaale ee dijitaalka ah.

Premier Payment Gateway ayaa ganacsatada macaamiishooda kuwa u dhow iyo kuwa kafogba siinaya fursad ay agabkooda iyo adeeggooda ku helaan ganacsataduna ay dakhli ballaaran ka sameyn karaan ganacsigooda. Sidoo kale wuxuu macaamiisha u fududeynayaa in ay wax kaga iibsadaan mareegaha online-ka ah iyagoo adeegsanaya kaararka bangiyada dalka iyo dibedda sida Mastercard iyo Visa, iyagoo aan ku qasbanaan in ay cag soo dhigaan deegaanka ganacsiga.

Adeegga Premier Payment Gateway wuxuu sidoo kale fududeynayaa in ganacsatada markii ay online badeeco ama adeeg ku iibinayaan helaan lacago qalaad sida Euro, Dollar iyo Giniga Istarliinka ah; iyagoo aanan waqti badan uga dhumin isku sarifka iyo isku bedelka lacagahaas. Sidaasna adeeggani wuxuu kaalin weyn ka ciyaarayaa in dalka usoo jiido lacag qalaad oo xoog leh.

Guddoomiyaha Premier Bank Dr. Maxamed Geedi Jumcaale ayaa xusay in addeegga lacag fududeynta Online-ka ah ay qayb ka tahay qorshaha iyo aragtida istiraatiijiyeed ee bangiga udegsan in lagaaro ilaa sanadda 2030, taas oo ah in la yagleelo saylad dhaqaale oo ay ku kulansanyihiin macaamiisha sita kaararka caalamiga ah iyo ganacsatada kala gedisan.

“Iyada oo hiigsigeenna ay qayb weyn ka tahay in aan hoggaanka uqabano suuqqa horumarka dhaqaalaha, teknolojiyadda iyo hal-abuurka ayuu Premier Bank la kaashaday Mastercard si uu udaah furo hannaan lacag is dhaafsi oo isticmaalkiisu fududyahay, aamin ah, degdegsiimadiisuna aad u sarrayso. Adeeg ku suntan in uu awood siiyo ganacsiyada maxalliga ah una soo jiido macamiil ka fog deegaankooda, lehna baahiyo kala gedisan” ayuu hadalkiisa raacshay Guddoomiye Dr. Maxamed Geedi Jumcaale.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )