
QATAR AIRWAYS OO MAALGESHANAYSA KOONFUR AFRIKA
Madaxa Shirkadda Diyaaradaha ee Qatar Airways Badar Mohammed Al Meer ayaa sheegay in dhowaan ay ku dhawaaqi doonaan maalgashi ay ku sameynayaan shirkad diyaaradeed oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika, taasi oo qeyb ka ah dadaallada ay ku ballaarineyso joogitaankeeda Qaaradda Afrika.
Diyaaradda Qatar Airways ayaa horey u gashay suuqa Afrika. Sanadkii 2019 shirkaddu waxay iibsatey 60% saamiga garoon diyaaradeed oo dhan $1.3 bilyan oo hadda laga dhisayo Rwanda, waxayna heshiisyo wadaag la leedahay shirkadaha duulimaadyada Afrika oo ay ka mid yihiin Rwandair, Air Botswana, iyo Airlink.
Ku dhawaaqista Al Meer ayaa dhalisay hadal heyn oo ku saabsan shirkadda uu ula jeedo, iyadoo dad badan oo falanqeeya ay isla dhex marayeen in Qatar Airways ay xiisaynayso inay maalgashi ku sameyso shirkadda diyaaradaha ee South African Airways oo sannadihii u dambeeyay ay soo food saartay dhaqaale xumo.