
DOWLADDA NEPAL AYAA WADANKEEDA KA MAMNUUCDAY TIKTOK.
Go’aankan ayaa imaanaya maalmo kadib markii dowladda ay soo saartay sharci cusub oo dhigaya in shirkadaha baraha bulshada ay ka sameystaan xafiisyo lagala soo xiriiro dalka gudihiisa.
TikTok oo leh ku dhawaad hal bilyan oo isticmaale bishii ayaa waxaa horey u mamnuucay dalal dhowr ah oo ay ku jirto Hindiya.
Horaantii sanadkan gobolka Montana ayaa noqday gobolkii ugu horaysay ee Maraykan ah ee mamnuuca iyada oo baarlamaanka UK uu ka mamnuucay shabakada wadanka.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Rekha Sharma ayaa u sheegtay BBC Nepali in madashan ay faafisay waxyaabo ka soo hojeeda dhaqanka.
Waxay intaas ku dartay ” mamnuuciddan ayaa si degdeg ah u dhaqan geli doonta, waxaana maamulada isgaarsiinta lagu amray inay fuliyaan go’aanka”.
Balse Gagan Thapa oo ah hogaamiye sare oo ka tirsan Congress-ka Nepal kana tirsan dowladda isbaheysiga ayaa su’aal galiyay go’aanka dowladda ay ku mamnuucday TikTok.
Waxa uu sheegay in ay tahay isku day lagu doonayo in lagu xakameeyo xoriyatul qawlka, mas’uuliyiintana looga fadhiyo in ay nidaam u sameeyaan madashan.
TikTok ayaa waxaa isha ku haya mas’uuliyiinta adduunka oo dhan sababtoo ah waxa ay walaaca ka qabaan in xogta loo gudbiyo dowladda Shiinaha.
In ka badan 1,600 oo kiis oo la xiriira TikTok ayaa laga diiwaan geliyay dalka Nepal afartii sano ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.