UGANDA: WAXAAN DIB U FURI DOONNAA FACEBOOK-GA HADDII AY JOOJIYAAN CIYAARAHA –MUSEVENI

UGANDA: WAXAAN DIB U FURI DOONNAA FACEBOOK-GA HADDII AY JOOJIYAAN CIYAARAHA –MUSEVENI

Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in Uganda ay u ogolaan doonto Facebook in dib looga furo wadankiisa haddii ay garwaaqsadaan qaladkooda.

“Waxaan rajeynayaa in hadda Facebook uu garanayo cidda mas’uulka ka ah Uganda, haddii ay joojiyaan ciyaarta, waan furi doonnaa,” ayuu yiri Museveni.

Dadaalka loogu jiray doorashaddii guud ee 2021-ka, dowladda ayaa xirtay Facebook sababo la xiriira xad-gudubyo ay sameeyeen isticmaaleyaasha barta Facebook balse wixii markaasi ka dambeeyay dib looma furin.

Dadka reer Uganda waxay hadda Facebook- ka galaan Shabakado gaar loo leeyahay oo iyaga u muuqda kuwo qaali ah halka kuwo kale oo badanna ay isaga tageen baraha bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, isagoo saxafiyiinta kula hadlayay State Lodge ee Nakasero, madaxweynaha ayaa sheegay in wax walba ay bilowdeen markii Facebook uu xiray dhowr akoon oo taageera dowladda.

“…maxaa yeelay Facebook waa isla weyn yahay, waa nala soo weerarayay, markii ay dadkayagii u adeegsadeen inay ka jawaabaan waa la xiray, halkaas ayuu dagaalku ka billowday,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa si kastaba ha ahaatee xusay in haddii Facebook ay garwaaqsato qaladkeeda ay dowladdu dib u furi doonto.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )