
MACMIILKU HAD IYO JEER WAA SAX: MA RUN BAA..?
Dadku waxay leeyihiin nooc kasta oo dabceecad ah. Midbaa wuxuu furaynayaa dukaan wuxuuna diidayaa inuu u hoggaansamo dalabaadka macaamiisha isagoo leh “Maya.” Waxaan aaminsanahay in diidmada macaamiisha ay tahay raaxada ugu dambeysa ee ganacsigu ku raaxaysan karo iyo jidka gaaban ee loo maro burburka ganacsiga. Ganacsiyadu waxay u baahan yihiin macaamiil faraxsan si ay u sii jiraan una koraan. Taasi waa sababta ganacsiyo badani ay weli ugu dhaartaan halkudhiga “Macaamiishu had iyo jeer way saxan yihiin”.
Intaa waxa sii dheer, dhaqamada qaarkood, macmiilku waa la ilaaway. Laakin ma jiro ganacsi u baahan in uu qanciyo rabitaan kasta oo macmiil ka yimid, gaar ahaan marka ay cad yihiin kuwo aan caqli-gal ahayn ama khaldan yihiin. Taasi maahan sida hab-dhaqanka adeegga macaamiisha wanaagsani u egyahay.
Macmiilku had iyo jeer ma ahan mid saxan, mana ahaan doono mid saxan weligiis. Kaliya waa oraah suuqgeyneed oo si dhab ah loo qaatay. Waxay la macno tahay inaad si dhab ah u qaadato cabashooyinka macaamiisha si aanay u dareemin in la khiyaamay ama si xun loola dhaqmay.
ILAA IYO GOORMA AYUU MACMIILKU SAXAN YAHAY..?
Sida laga soo xigtay Wikipedia, ereyga waxaa caan ku ahaa tafaariiqlayaasha sida Harry Gordon Selfridge, John Wanamaker, iyo Marshall Field qarni ka hor. La yaab ma leh in ereyga la sameeyay ka dib Kacaankii Warshadaha markii macaamiishu ay kasbadeen fursad ay ku kala doortaan badeecado iyo adeeg bixiyayaal kala duwan. Markii tartanku sii xoogaystay, waayo-aragnimada macaamiishu waxay noqotay meel lagu kala saaro tayada iyo qiimaha. Sidaa darteed milkiilayaasha ganacsigu waxay aadeen jiho kale oo ah qancinta macaamiisha.
MACMIILKU MA NOQON KARAA MARMAR MID SAXAN?
Wax ka iibsiga casriga ah ee internetka, macaamiishu waxay yeelan karaan rajooyin aan macquul ahayn oo ku saabsan badeecada, adeegga, ama wakhtiyada keenista. Waxaa laga yaabaa in aanay si fiican u akhrin tafaasiisha alaabta ama iyaga oo aan ogayn in ay iibsadeen alaab khaldan. Waxay si xun u isticmaali karaan badeecada siyaabo ka duwan sida loogu tala galay.
Maanta, macaamiishu waxay leeyihiin doorashooyin ka badan sidii hore. Waa dabiici in loo qaato inay dooran doonaan astaanta ay sida ugu fiican ugu kalsoon yihiin. Aqbalaadda dalab kasta waxay kasban kartaa daacadnimo.
Haddii macmiilku ama badeecada ay tahay isha dhibaatada, ganacsadaha waa inuu ku dadaalaa sidii u xallin lahaa cabashada.
Haddii ay sax tahay ama khalad tahay, in macmiilka laga tago isagoo niyad jab ah maaha wax sax ah. Xitaa macaamiisha qalfasan waxaa loo maareyn karaa si heer sare ah waxayna ka tagi karaan dareen togan halkii niyad jabka ahayd.
MAXAY MUHIIM U TAHAY IN MACAAMIISHU AY DAREEMAAN WANAAG?
Macaamiishu waa rootiga iyo shaaha ganacsi kasta. Haddii ay ku faraxsan yihiin iibsigooda, adeegyada ay helaan oo ay ku kalsoonaadaan nidaamka ganacsiga, macaamiishu waxay u muuqdaan inay soo noqdaan oo ay sameyaan iibsigooda xiga. Heysashada macaamiisha waa arrin awood leh oo lagu socodsiinayo ganacsi waara.
Intaa waxaa dheer, macaamiisha faraxsan waxay ka tagi karaan dib u eegis togan waxayna kula talinayaan ganacsigaasi asxaabtooda iyo qoyskooda. Dib u eegisyadan iyo talooyinkan kaliya ma wanaajin doonaan cabbirrada guusha laakiin in loo aqoonsado inay xaliyaan mushkilad ayaa siisa gees ka sarreeya tartanka.
HADDABA WAA MAXAY DHIBAATADA AY LEEDAHAY IN LA ILAALIYO HALKU-DHIGGAN?
Iyadoo la siinayo macaamiisha niyad-jabsan farxadd iyo soo jiidasho badanaa waxay u fiican tahay ganacsiga, waxaa laga yaabaa inaanay mar walba suurtagal ahayn. Macaamiisha qaar ayaa u baahan iaalin aad u sarreysa si ay u noqdaan kuwo faa’iido leh, qaarna waa wax aan macquul ahayn in la qanciyo. U hoggaansanaanta qaanuunka in macaamiishu mar walba ay saxan yihiin waxay kuu keenaysaa inaad la kulanto dhibaatooyinkan:
- XIRIIRKA MAAMULKA IYO SHAQAALAHA
Markaad dhaqan geliso halku-dhigga “Macaamiishu had iyo jeer waa ay saxan yihiin” waaxda adeegga macaamiisha waxay noqod doonaan kuwa mar walba dagaal ku jira. Had iyo jeer waxaa jiri doona macaamiil xad-gud badan, kuwa doodooda aysan ahayn caqli-gal, iyo kuwa si cad u qaldan. Ilaalinta dadka noocaas ah waxay niyad jabin doontaa kooxda adeegga macaamiisha waxayna dhaawacaysaa xiriirka aad la leedahay shaqaalahaaga. Kooxdaadu waxay u baahan tahay kalsoonidaada iyo taageeradaada si ay si hufan u gutaan howshooda. Ku xad-gudubka joogtada ah ee ay sameeyaan macaamiisha, iyada oo aysan shaqaalaha lahayn maamul ka taageera arimahaasi, waxay hoos u dhigtaa tayada shaqaalaha.
- WAQTIGA LAGU LUMIYO MACAAMIISHA AAN U QALMIN
Macaamiisha qaarkood waxay qaataan wakhti aad u badan, waxayna noqon karaan kuwo aan u qalmin in la siiyo waqtigaasi. U hibeynta inta badan wakhtigaaga macaamiishu waxay keenaysaa in adeegii macmiisha uu liito. Waxay sidoo kale hoos u dhigi doontaa qiimaha kooxda adeegga macaamiisha waxayna caqabad ku noqon doontaa waxtarkooda. Xusuusnow in dhammaan macaamiisha ay siman yihiin, laakiin kuwa bixiya Qiimaha Macmiilka ka wanaagsan waxay u baahan yihiin taxadar ka badan kuwa kale.
GABAGABO
In kasta oo macaamiisha aanay had iyo jeer sax ahayn, haddana dhammaantood waxay mudan yihiin in la caawiyo wakhtiyada dhibaatada, marka laga reebo kuwa niyad xun leh oo isku daya inay ku qaldaan fursad kasta oo ay helaan. Laakiin macmiilka caadiga ah ee aan kugu qanacsanayn ayaa ku siin kara fikrado qiimo leh oo ku saabsan waxaad hagaajin karto. Intaa waxaa dheer waxay xitaa noqon karaan u doode saxaya khaladaadka macaamiisha kale.