
SIDEE AYAY U WADA SHAQEYN KARAAN SUUQGEYNTA IYO HR-KA …?
Dhaqan ahaan, suuq-geynta iyo HR-ka waxay ahaayeen laba waaxood oo si dhib leh u wada shaqeeya. Dunida maanta, in kastoo ay jirto baahida sii kordheysa ee dhammaan waaxyaha gudaha inay isu furaan xuduudahooda ayna isaga kaashadaan shaqooyinkooda si loo gaaro hal ujeedo.
Iyada oo ay jirto sara u kaca awoodda tiknoolajiyada, waxaan arki karnaa in khadka u dhexeeya suuq-geynta iyo HR-ka uu aad u dhuuban yahay.
Suuqgeynta iyo HR-ka asal ahaan waxay leeyihiin hadaf isku mid ah, kooxaha suuqgeyntu waxay u shaqeeyaan sidii ay u hayn lahaayeen macaamiisha ayna u soo jiidan lahaayeen macaamiisha mustaqbalka si ay u soo saaraan iib badan. Halka kooxda HR-ka ay mas’uul ka yihiin dhisida wadada shaqo-bixinta shaqaalaha iyo kuwa iman doona mustaqbalka.
Marka labada waaxood ay gacmaha is qabsadaan waxay abuurayaan istaraatiijiyad shaqaaleysiineed oo guuleysta, waxayna dhisi karaan sumcad adag.
Aynu ogaano sida suuq-geynta iyo HR-ka ay u wada shaqayn karaan oo ay u wadaagi karaan mas’uuliyadaha si ay uga faa’iidaystaan awoodahooda ay u gaaran hal ujeedo.
SUUQGEYNTA IYO HR-KA: 5 SIYAABOOD OO LOO WADA SHAQEEYO.
Iskaashiga u dhexeeya suuq-geynta iyo HR-ka waxa uu leeyahay faa’iidooyin badan. Waxay wax ka qaban karaan caqabadaha shaqo qorista ee waaweyn waxayna sidoo kale door weyn ka ciyaari kartaa sameynta muuqaal sumadeed oo xooggan.
Waa kuwan 5ta siyaabood ee suuqgeyntu iyo HR ay isaga kaashan karaan Shaqooyinkooda.
- XOOJINTA XIRIIRKA GUDAHA.
Si shirkadda ama ganacsiga ugu socodo si xowli ah xiriirka gudaha oo hufan waa muhiim.
Suuqgeynta iyo kooxaha HR-ka waxay aasaasi karaan xiriir joogto ah si ay ula socdaan xeeladahooda oo ay iska kaashadaan midba midka kale. Iyadoo suuqgeeyayaasha dijitaalka ah ay ka shaqeeyaan horumarinta fikradaha suuqgeynta ganacsiga, HR-ka waxay ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa sumcadda ganacsiga loona jeclaan lahaa in loo shaqeeyo shirkadda. Marka ay labada kooxood si fiican u wada shaqeeyaan, waxay wadaagi karaan macluumaadka khuseeya iyo macnaha guud ee ku saabsan sumadaynta iyo dhiirrigelinta ganacsiga midba midka kale.
Si loo gaaro xiriir noocaas ah, waxaad u baahan tahay inaad ka fikirto meel ka baxsan iimaylka caadiga ah ama warqadaha la isugu diro xafiisyada. Sahami habab badan oo hal abuur leh oo ay ku wadaagi karaan macluumaadka labada kooxood.
- ABUURIDA ASTAAN SHAQO-BIXIYE OO XOOGGAN.
Waxaan si joogto ah u maqalnaa ganacsiyada oo ka hadlaya summadaynta waxtarka leh si ay u cajab galiyaan macaamiisha.
Ganacsiyo badan oo adduunka ah ayaa xaqiiqsaday baahida loo qabo xirfadlayaasha suuqgeynta inay si dhow ula shaqeeyaan kooxda HR si ay u abuuraan calaamad shaqo-bixiye oo dhamaystiran, qaar badan ayaa ku daray liiska ugu sarreeya talooyinka suuq-geynta.
Haddii arday uu raadinayo shaqo ama qof kale uu raadinayo jagooyin khibrad badan leh, waxay marka hore jeclaan lahaayeen inay wax ka ogaadaan habka shaqada ama dhaqanka shirkadda.
Dhab ahaantii waxay eegi doonaan jawaab celinta shaqaalaha hadda u shaqeeya shikadda. Baraha bulshada ama golayaasha xirfadlayaasha ayaa ah meelaha la tago si loo hubiyo sida ugu wanaagsan ee shirkadda u daryeeshio shaqaalaheeda.
Tani waa halka kooxda suuqgeyntu ay kaga biiri karaan kooxda HR si ay u abuuraan calaamad shaqo-bixiye oo aad u saraysa.
Iyadoo HR ay leedahay faham sax ah oo ku saabsan dhaqanka shirkadda, suuqgeyntu waxay taqaanaa hababka ugu fiican ee kor loogu qaado. Samaynta xeelad wax ku ool ah, labada kooxoodba waxay si guul leh u abuuri karaan calaamad shaqo-bixiye oo xooggan.
- SAMEEY SUUQGEYNTA SHAQAALAYSIINTA BARTILMAAMEEDSAN
Haddii aad tahay ganacsi la-talin ah ama wakaalad, muuqaalka shaqo qorista ee maanta waa mid kacsan, loo-shaqeeyayaashuna waxay u baahan yihiin inay dejiyaan qorshe suuqgeyn adag haddii ay rabaan inay soo jiitaan dadkii lahaa tayada saxda ah.
Taasi waa meesha suuq-geynta shaqaalaysiinta ay ka soo gasho. Dhammaan waxay ku saabsan tahay adeegsiga xeeladaha suuqgeyneed ee saxda ah iyo raacitaanka isbeddellada qorista ee ugu dambeeyay si kor loogu qaado qiimaha shaqo-bixiyaha.
Si aad ganacsigaaga ugu suuqgayso hab cusub, waxaad u baahan tahay suuqgeyn iyo HR si aad ugu biirto hardanka suuqa. Labada kooxoodba waxay si maskaxiyan ah ula iman karaan xeelado wax ku ool ah oo ay kaga adkaadaan tartamayaashaada. Istaraatiijiyadda shaqaaleysiinta la beegsanayo ayaa ka caawin karta shirkadda inay gaarto yoolalka qorista ee ugu weyn waqti yar gudahood.
- KOBCINTA TAYADA DHAQANKA
Hadda, kooxaha HR kaliya mas’uul kama ahan soo jiidashada iyo qorista shaqaalaha tayada sare leh, mas’uuliyadda ugu weyn waxay tahay horumarinta iyo kobcinta shaqaalaysiinta waqti ka waqti iyadoo la siinayo dhaqan shirkadeed soo jiidasho leh.
Inta lagu jiro nidaamkan, suuq-geynta iyo HR waxay iska kaashan karaan inay kiciyaan qiyamka shirkadda ayna u gaaraan yoolka balaaraan ee shirkadda.
Sida suuqleydu u yaqaanaan sida loola macaamilo macaamiisha, waxay ka caawin karaan HRs inay la yimaadaan xeelado cusub oo ay ku hawlgeliyaan shaqaalaha. Waxay si wada jir ah u falanqeyn karaan heerarka shaqaalahooda sidoo kale si dhab ah ayay qiimeyn karaan xirfadle kasta.
Sidee shirkadda uga faa’iidaysan doontaa? Maaddaama xirfadlayaasha maanta ay xoogga saaraan mushaharka halkii ay xoogga ka saari lahaayeen shaqanka shirkadda. Iskaashigan wuxuu xooga saari doonaa in daacadnimada ay badato ayna hoos u dhacdo shaqo ka tagista.
- U DOODISTA SHAQAALAHA
Dhammaan afarta xeeladood ee aan ka hadlay ilaa hadda waxay kaa caawin karaan inaad abuurto shaqaale kugu qanacsan oo daacad ah. Shaqaalahan faraxsanna waa u doodayaasha ugu weyn ee summada shiradda.
Sanadihii la soo dhaafay, u doodista shaqaaluhu waxay noqotay mid aad muhiim ugu ah ganacsiyada. Waxay kaa caawinaysaa abuurista sumad shaqo-bixiye togan oo soo jiidan karta shaqaaleysiintaada iyo macaamiishaada labadaba. Laakin si aad si wax ku ool ah ula falgasho u doodayaasha shaqaalaha oo aad uga faa’ideysato awooda codkooda, waxaad u baahan tahay siyaasad u doodid shaqaale oo xooggan. Suuqgeynta iyo HR waxay iska kaashan karaan si ay u abuuraan siyaasad wax ku ool ah oo dejisa habraac cad oo loogu talagalay shaqaalaha sidoo kale awood u siinaysa inay si sahlan ula wadaagaan wararka shirkadda.
Tusaale ahaan, waxaad abuuri kartaa muuqaalo, waydiiso shaqaalaha inay la wadaagaan ra’yigooda, iyo wixii la mid ah.
DIYAAR MA U YIHIIN IN SUUQGEYNTA IYO HR-KA INAY WADA SHAQEEYAAN?
Hadda oo aad fahantay sida suuq-geynta iyo HR ay isugu imaan karaan si ay u kobciyaan shirkadda, waa waqtigii aad qaadan lahayd aragtidan dib loo cusbooneysiiyay. Waax kasta oo ka mid ah waaxahaas waxay leedahay aqoon iyo aragtiyo badan oo laka faa’iidaysan karo.
Marka ay isu biiraan xoogagan, waxay ku siin karaan awood aad uga sarreyso tartanka oo ay dejiyaan heerar cusub, ganacsi ahaan iyo shaqo-bixiye ahaanba.
Runtii aad ayaan kaaga mahcelinayaa sida wanaagsan aad cilmiga noola wadaagtay , xaqiiqatan si qoto dheer ayaad uga hadashay xiriirka labada waaxood u dhaxeeya ..
Mahadsanid mudane Abahaji.