
4 TALO OO LA XIRIIRA SUUQGEYNTA INSTAGRAM 2022
Ma qorsheenaysaa inaad bilowdo suuq-geynta barta Instagram-ka? Marka ha moogaanin tilmaamahan muhiimka u ah barta Instagram-ka.
Sanadka 2020 wuxuu naga dhigay inaan nolosheena u bedelno habka online-ka ujeedooyin kala duwan si aan u dinlo caajiskeena. Tani waxay saamaysay isbedelada qaarkood iyo astaamo cusub oo ka jira goobo kala duwan, maalmahan baraha bulshada waxay la imanayaan cusbooneysiin joogto ah iyo astaamo cusub si ay khibradeena uga dhigto mid sii koreysa.
Suuqgeynta Instagram-ka ayaa aad u korortay waqtiyadan oo kale, Facebook iyo LinkedIn ayaa sidoo kale goob joog u ah kororka tirada isticmaalayaasha aaladahooda.
Tilmaamaha cusub ee lama filaanka ah iyo isbeddelada ku yimid aaladahan ayaa sameeyay xeelado suuqgeyneed oo kala duwan.
WAA MAXAY SABABTA SUUQ-GEYNTA INSTAGRAM-KA AY MUHIIM U TAHAY?
Instragram waa baraha bulshada ee loogu isticmaalka badan yahay kadib Facebook. Waxay leedahay hal bilyan oo isticmaaleyaal firfircoon bishiiba, waxaana lagu qoraa 500 milyan sheekooyin oo maalinle ah.
Oberlo waxa ay ku qiyaastay in 71% meheradaha Maraykanku ay adeegsadaan Instagram-ka xaqiiqooyinka hoos ku xusanna ayaa sharaxaya sababta:
- Instagram waxa ay leedahay in ka badan hal bilyan oo isticmaalayaal bishii.
- Waxaa jira 140 milyan isticmaaleyaasha Instagram gudaha U.S.
- Isticmaalayaashu waxay baaraan celcelis ahaan 53 daqiiqo maalintii.
- Ku dhawaad 45% isticmaaleyaasha Instagram waxay da’doodu u dhaxaysaa 18 iyo 44.
Marka la eego tirakoobyada, waxaa jira ku dhawaad 1 bilyan oo isticmaaleyaal cusub bishiiba iyo 60% akoonnadan ayaa ka hela alaabo cusub Instagram-ka.
Tirakoobyadani waxay siinaysaa tilmaam milkiilayaasha ganacsiga si ay u galaan Instagram oo ay ku xayeesiiyaan ganacsigooda.
Hadaba Waa kuwan 5-ta talooyin iyo tabaha loogu talagalay suuq-geynta Instagram-ka:
ABUUR QORAALLO SOO JIIDASHO LEH.
Samaynta qoraallada xiisaha leh ayaa ah tilmaanta ugu horreysa ee suuqgeynta Instagram-ka, taas oo si wax ku ool ah kor ugu qaadi karta ganacsigaaga Instagram.
Markaad dadka u abuurto wax qiimo leh waxaad helaysaa isdhexgal badan oo ku saabsan qoraaladaada.
Si kastaba ha ahaatee, waxaad samayn kartaa noocyo kala duwan oo sawiro ama qoraalo ah si aad u siiso dhagaystayaashaada habab kala duwan. Laakin hubi in sawirada iyo muuqaalada aad soo geliso ay muuqaal ahaan iswaafaqayaan.
Sawirada iftiinka leh ayay aad u jecel isticmaalayaashu. Ku dadaaal in sawirada aad isticmaalayso ay yihiin kuwa si fiican loo arki karo lana fahmi karo.
Had iyo jeer isku day in aad qoraaladaada ama sawiradaada ka dhigto mid leh hal nashaqad, laakiin sidoo kale waa inaad iloobin sumada iyo xeerka naqshadeynta ganacsigaaga.
ISTIMCAAL NAQSAD ISKU MID AH SI AAD U SAMEYSID MUUQAAL GAAR AH
Maadaama Instagram-ka uu yahay goob lagu wadaago sawiro iyo muuqaalo, waxaad u isticmaali kartaa in astaantaada ay yeeato muqaal u gaar ah.
Lahaanshaha qaab gaar ah ayaa ka caawin kara astaantaada inay ka dhex muuqato tartamayaashaada.Isku day inaad isticmaasho hab isku midka ah dhammaan sawiradaada.
Tani waxay ka dhigi doontaa sawiradaada kuwo isku xiran waxayna soo jiidan doontaa falcelin badan.
Haddii aad soo gelineyso( Post )oo ay ku sawiran yihiin alaab, diiradda waa in ay ahaato alaabta ku sawiran post-ga.
ISTICMAAL HASHTAG SI JOOGTO AH
Isticmaalka joogtada ah kaliya ma badbaadinayso wakhtigaaga laakiin sidoo kale waxaad awoodi doontaa inaad gaarto dhagaystayaasha saxda ah mar kasta oo aad wax soo geliso.
Waa inaad sidoo kale ku dartaa hashtag gaar ah mar kasta oo aad wax soo dhigayso. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad hesho dareenka dhagaystayaasha muhiimka ah sida ugu dhaqsiyaha badan suurtogalkana ah.
Hashtags sidoo kale waxay door muhiim ah ka ciyaaraan Instagram SEO taasoo kordhisa aragtidaada natiijooyinka raadinta waxayna keni kartaa falcelin badan.
SAMAY JADWAL JOOGTO AH
Samaynta jadwal joogto ah ayaa muhiim u ah ilaalinta filashada isticmaalaha iyo sidoo kale ka dhigista inay ku lug yeeshaan Qoraaladaada ama sawiradaada.
Tusaale ahaan: Haddii aad maalin kasta soo geliso Post, waa inaad joojisaa sababtoo ah dhagaystayaashaada waxaa laga yaabaa inay ku yaraadaan falcelinta post-ga, xitaa way joojin karaan raacitaankaaga (Following) haddii aad go’aansato inaad maalin kasta wax soo dhigtid.
Waa inaad jadwal u sameysaa wax soo dhigistaada oo aad ilaaliso istaraatiijiyadda Instagram-ka.
GABAGABO:
Sida aaladaha warbaahinta bulshada ay had iyo jeer horumar u sameeyaan sida Instagram-ka waa inaad had iyo jeer eegtaa inaad ku darto xeelado cusub oo ah xeeladaha suuqgeynta Instagram. Laakiin aasaaska istaraatijiyad kasta oo suuq geynta warbaahinta bulshada ayaa ah sidan:
- Qeexida yoolalkaaga
- Ogow dhagaystayaashaada
- Deji miisaaniyadaada
- Isticmaal hab summeedka joogtada ah
Si aad u qorsheysato istaraatijiyadaada suuqgeyneed aadna u guulaysato waxaa lagama maarmaan ah inaad raacdo tilmaamaha cusub, aadna la xiriirto qof aqoon leh suuqgaynta baraha bulshada hadii aadan aqoonin.