
TWITTER AYAA LACAG KU SOO ROGI DOONA DADKA HAYSTA CALAAMADA BULUUGA
Shirkadda Twitter ayaa qorsheeynaysa inay kor u qaado lacagta laga qaado dadka haysta calaamada Buluugga laga bilaabo $5 ilaa $20 bishiiba waxayna ka dhigaysaa mid qasab ku ah isticmaalayaasha sida la xaqiijiyay. Haddii ay bilawdo Twitter qorshahan isticmaalayaasha la xaqiijiyay sida (dadka caanka ah, siyaasiyiinta, saxafiyiinta, iwm.) waa inay iska diiwan geliyaan adeega 90 maalmood gudahood ama waxay lumin doonaan calaamadda buluugga ah. Shaqaalihii ka shaqaynayay mashruucan ayaa la sheegay in loo sheegay in shaqada laga eryi doono haddii ay fulin waayaan isbedelkan ilaa 7-da Nofeembar.
Twitter-ka ayaa dabayaaqadii sannadkii hore ka bilaabay Maraykanka in $3 bishii laga qaado dadka haysta calaamada buluugta ah, laakiin qiimaha ayaa kor loo qaaday bishii Luulyo ilaa $5.