
SAFARICOM OO DAAHFURTAY SHABAKADA 5G
Safaricom ayaa shan degmo ka hirgelisay shabakadda 5G taasi oo u sahlaysa macaamiisheeda inay helaan xawli internet oo degdeg ah.
Safaricom ayaa ku soo bandhigtay shabakadahan Nairobi, Mombasa, Kisii, Kakamega, iyo Kisumu.
Si ka dhakhso badan shabakada 4G macaamiishu waxay awood u yeelan doonaan inay soo dejiyaan fiidiyowyada iyo sidoo kale inay ku ciyaaraan geemka xawaare aad u sareeya.
“Waxaan aaminsanahay awoodda wax ka beddelka ah ee internetka waxaanan sii wadi doonaa bixinta tilknoolajiyada ugu horumarsan ee u suurtagelinaysa macaamiisheena inay ku raaxaystaan qaab nololeedka dijital ka ah,”
“Daahfurka 5G Wi-Fi waa talaabadii ugu horeysay ee lagu xoojinayo macaamiisheena si ay u bilaabaan sahaminta fursadaha cusub ee 5G uu bixiyo,” madaxa fulinta ee Safaricom Peter Ndegwa ayaa sidaasi yiri.