
SAAMIYADA SHIRKADDA SAFARICOM OO KOR U KACAY
Saamiyada shirkadda isgaarsiinta Kenya Safaricom ayaa kor u kacay in ka badan boqoliiba sagaal ( 9% ) Jimcihii ka dib markii ay heshay shatiga adeegyada maaliyadeed ee mobilada gudaha Itoobiya.
Wasiirka Maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide ayaa Khamiistii sheegay in dalkiisu uu shatiga siiyay mid ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta ee ugu waaweyn Afrika, iyadoo shirkaddu ay si rasmi ah u daah-furtay shabakaddii ugu horreysay ee si gaar ah loo isticmaalo.
Tartamaha ugu wayn Safaricom ayaa ah shirkadda ay dawladdu maamusho ee Ethio Telecom oo sannadkii hore daah-furtay adeeg maaliyadeed oo ku salaysan talefanka gacanta oo lagu magacaabo Telebirr, si kor loogu qaado kobaca iyadoo bixinaysa wax kala beddelasho lacag la’aan ah.