
AFAR MAALMOOD OO SHAQO AH TODOBAADKII WAXAY HORMARINAYSAA TAYADA SHAQADDA IYO QANACSANAANTA.
Atom bank ayaa sheegay in uu horumarinayo wax soo saarka iyo ku qanacsanaanta shaqada iyada oo maalmaha shaqadda laga dhigayo afar maalmood todobaadkii.
Shaqaalaha bangiga ayaa la siiyay doorasho ah inay ka guuraan 37.5 saacadood oo ku baahsan shan maalmood ilaa 34 saacadood oo ku baahsan afar maalmood oo isku mid ah mushaharka.
Sky News ayaa ka soo xigatay Anne-Marie Lister oo leh: “Waxaan si adag u aaminsanahay in todobaadka afarta maalmood ah uu yahay mustaqbalka nolosha shaqada, waana wax dhiirigelinaya in hadda la arko ganacsiyada kala duwan ee UK oo aqbalaya isbuuca afarta maalmood.”
“Waxaan nahay bangi horumarsan iyo shaqo-bixiye horumarsan, waayo-aragnimada aanu u leenahay qorsheynta iyo u guurista toddobaadka afarta maalmood ah waxay muujisay inay suurtogal tahay in ganacsiyadu ay sidaas sameeyaan oo ay faa’iido badan u keenaan dadkooda.”
“Waxaan aaminsanahay in ururada intooda badani ay u guuri karaan toddobaad afar maalmood ah waxaana rajeyneynaa in waayo-aragnimada Atom ay ku dhiirigeliso ganacsiyo badan si ay u sameeyaan isbeddel joogto ah.”
Shaqaalaha waa in ay waqti la qaataan caruurtooda iyo eheladooda sidoo kale waa in ay sameeyaan waxyaabaha ay jecelyihiin maalmaha nasashada.