
NIGERIA, INDONESIA & SHAN KALE WAXAA KU NOOL KALA BAR DADKA AAN BANGIYADA KU LAYAHN KOONTO.
Nigeria iyo lix waddan oo kale ayaa lagu sheegay inay ku noolyihiin kala bar dadka aan lahayn koonto bangi adduunka oo idil.
Marka la eego warbixinta Bangiga Adduunka ee 2021 Global Findex, lixda waddan ee kale waa Shiinaha, India, Pakistan, Bangladesh, Indonesia iyo Masar.
Warbixinta waxa ay sheegtay in caalamka oo dhan ilaa 1.4 bilyan oo qaangaar ah aanay weli bangiyada la macaamilin, taas oo la macno ah in aanay akoon ku lahayn hay’ad maaliyadeed ama adeega lacag bixinta ee taleefanada.
Tirada ayaa hoos uga dhacday 2.5 bilyan sanadkii 2011 ilaa 1.7 bilyan sanadkii 2017, warbixintu waxay xustay dhammaan dadka qaangaarka ah ee aan bangiyada lahayn waxay ku nool yihiin wadamada dhaqaalahooda soo koraya.
54 boqolkiiba dadka aan bangiyada lahayn oo ka dhigan 740 milyan oo qof ayaa ku nool todobo wadan oo adduunka ah, ayay tiri warbixintu.
Shiinaha iyo Hindiya ayaa leh saamiyo badan oo ka mid ah dadweynaha aan bangiyada lahayn ee caalamiga (130 milyan iyo 230 milyan, siday u kala horreeyaan). Pakistan waxaa ku nool 115 milyan oo qaangaar ah oo aan bangiyada ku lahayn koonto iyo Indonesia oo ah 100 milyan.