
AWOODA INTERNET KA EE RUWAANDA AYAA LABA LAABMAY 2 SANO GUDAHOOD
Hay’adda sharciyeenta Tamarta ee Rwanda (RURA) ayaa daaha ka qaaday in awoodda internet-ka ee waddanka uu kor u kacay saddex laab laba sano gudahood taas oo ka dhigan in isku xirka internetka uu sidoo kale aad u kordhay.
Ku-simaha Agaasimaha Guud ee RURA Deo Muvunyi, oo ka hadlayey Madasha Isku-xirka Afrika (AFPIF) oo ay ku midaysan yihiin shirkado muhiim ka ah qaybta internet-ka ee qaaradda ayaa sheegay in Rwanda ay ku qasbanaatay inay samayso maalgashi ballaaran si loo gaaro guul.
“Ruwanda awoodda xawaaraha caalamiga ah waxay ku dhowaatay saddex laab rubuci hore ee 2020 waxaan haysanay 63 Gbps halka rubuci hore ee 2022 aanu haysanay 156 Gbps,” ayuu yidhi Muvunyi.