IVORY COAST AYAA SOO SAARTAY TALEEFAN CASRI AH.

IVORY COAST AYAA SOO SAARTAY TALEEFAN CASRI AH.

Hal abuure ku sugan Ivory Coast ayaa sameeyay taleefankii ugu horreeyay oo maxali ah kaasi oo looga golleeyahay in lagu hormariyo adeegsiga amarrada codka ee luqadaha maxaliga ah ee isticmaaleyaasha aan wax aqrin aanan qori karin.

Taleefankan oo lagu magacaabo “Open G” ayaa bishii hore lagu iibiyay dalka ku yaalla galbeedka Afrika, taleefanka ayaa fahmi kara amarrada wuxuuna ka jawaabi karaa 16 ka mid ah ku dhawaad ​​60ka luqadood ee Ivory Coast looga hadlo oo ay ku jiraan Dioula, Senoufo, iyo Bété.

Aasaasaha Alain Capo-Chichi ayaa sheegay inuu doonayay inuu sameeyo taleefanka si uu u caawiyo dadka sida waalidkiis oo kale ah kuwaas oo aan waxna qorin waxna akhriyin inay isticmaalaan adeegyo ay ka mid yihiin xawilaadda lacagaha iyo dirista fariimaha.

“Afrika dhibka ina haysta… waa in wax akhrinta iyo qorista aysan qof walba heli karin,” ayuu yiri. “Dadku si fudud ayay u isticmaali karaan taleefannadooda casriga ah iyagoo si fudud ula hadlaya.”

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )