
ETHIO-TELECOM IYO DASHEN BANK AYAA DAAHFURAY SADDEX ADEEG MAALIYADEED
Shirkadda ugu weyn dhanka isgaarsiinta ee Ethio-Telecom oo kaashanaysa Bangiga Dashen ayaa jimcihii daah-furtay saddex adeeg maaliyadeed oo dijital ah oo loogu talagalay in ay ka faaidaystaan isticmaalayaasha adeegyada maaliyadeed ee dijitaalka ah waxayna kala yihiin: Telebirr Mela, Tele birr Endekise, iyo Telebirr Kuteba (Sanduk).
Telebirr Mela waa adeeg deyn ah oo fududeeya deymaha ilaa 2,000 oo birr ah maalintii iyo ilaa 10,000 oo birr bishii iyadoo lagu saleynayo xogta macaamilka lacagaha ee bangiga, Tele birr Endekise waa nidaam loo dhisay si uu macmiilka awood ugu yeesho inuu amaahdo lacag dhan 2,000 oo Birr maalintii ayadoo laga qaadayo khidmad marka haraaga telebirku uu eber yahay uuna rabo macmiilka inuu wax iibsado, Halka Telebirr Kuteba (Sanduk) uu yahay barnaamij awood u siinaya macmiilka inuu kaysado lacagta ugu yar dulsaar iyo dulsaan la’aan.
Daah-furka mashruucan oo lagu qabtay hotel Skylight ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyaha Bangiga Qaranka Itoobiya Mudane Yanager Dese, Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Fitsum Asefa, Guddoomiyaha Bangiga Dashen Asfaw Alemu, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.