SALAAM AFRICAN BANK OO LA WAREEGAY BANGIGA UGANDA EE TOP FINACIAL BANK LIMTED

SALAAM AFRICAN BANK OO LA WAREEGAY BANGIGA UGANDA EE TOP FINACIAL BANK LIMTED

Bangiga Jabuuti ee Salaam African Bank (SAB) ayaa la wareegay Bangiga fadhigiisu yahay Ugand ee (Top Finance Bank Limited) sida uu sheegay bangiga dhexe ee Uganda maalintii isniinta ahayd.

“Tani waa in la ogeysiiyo dadweynaha in Salaam African Bank oo xaruntiisu tahay Djibouti uu la wareegay Top Finance Bank Limited. Wax kala iibsigan ayaa la soo gabagabeeyay ka dib markii laga ansixiyay Bangiga dhexe ee Uganda ” iyadoo la raacayo qodobbada Sharciga Hay’adaha Maaliyadda (FIA) 2004 iyo Xeerarkeeda ” bayaan lagu baaahiyay mareegta bangiga dhexe ee Uganda ayaa sidaasi lagu yiri.

Ku dhawaaqistan ayaa waxay qayb ka tahay istaraatiijiyada is ballaarinta ah ee SAB oo ku fiday Malaysia, Ethiopia iyo Kenya, iyo kuwo kale. iibsigan ayaa u oggolaanaya bangiga Jabuuti inuu u soo bandhigo muwaadiniinta Uganda adeeg maaliyadeed oo islaami ah.

Bangiga ugu weyn Uganda TFB ayaa la diiwan geliyay bishii Juun 2012 waxaana markaa loo diiwan geliyay shirkad ahaan, bishii Sebtembar 2014 ayuu qaatay shatiga hay’addaha amaahda bixiya.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )