
PAYTM OO KHASAAARTAY $81.28 MILYAN
Shirkadda Paytm ee laga leeyahay dalka India ayaa jimcihii sheegtay inuu soo gaaray khasaare balaaran rubucii-koowaad ee sanadkan, khasaaraha ayaa la xiriira kororka kharashaadka suuq-geynta iyo faa’iidooyinka shaqaaluha, laakiin waxa ay sheeegtay inay gaari doonto yoolkeeda faa’iidada hawlgalka sannadka soo socda.
Khasaaraha isku dhafan aya waxaa uu gaarayaa 6.45 bilyan rupees ($81.28 milyan) rubucii dhammaaday Juun 30, 69% wuxuu ka sarreeya khasarihii sanadkii hore oo ahaa 3.81 bilyan rupees ($ 48 milyan).
Paytm ayaa lacag bixinta dijitalka ah waxa ay kula tartantaa suuqa India shirkadaha kala ah Google iyo PhonePe.
Shirkaddu waxay “si adag ugu socotaa waddadii ay ku gaari lahayd faa’iido hawleed iyada oo ka duulaysa ka faa’iidaysiga kharashka wanaagsan”, ayay tidhi.
Wadarta kharashkeeda ayaa kor u kacay 84%, iyada oo kharashyada suuqgeynta iyo faa’iidooyinka shaqaaluhu ay kor u kaceen.
Paytm waxay bixisay deymo qiimahoodu dhan yahay 55.54 bilyan rubi rubuci koowaad, ku dhawaad sagaal jeer in ka badan sanad ka hor ayay tiri bishii hore.