
BANQUE MISR AYA SHATI KA HELAY KENYA
Bank Masar ayaa helay shati uu ku shaqayn karo dalka Kenya isaga oo isha ku haya heshiisyada maaliyadeed ee ganacsiyada Masaarida ee gobolka Bariga Afrika.
Bangiga Dhexe ee Kenya ayaa sheegay Talaadadii in uu shatiga siiyay Banque Misr, kaas oo hadda noqonaya bangigii labaad ee Masar oo xarun ku leh Nairobi.
Shatiga cusub ayaa hadda ka dhigaya 10 tirada xafiisyada wakiillada ee bangiyada ajnabiga ah ee ka shaqeeya Nairobi.
Xafiiska wakiillada waxaa laga filayaa inuu kaalin mug leh ka ciyaaro xoojinta xiriirka ganacsi ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Masar iyo Kenya.