I&M BANK AYAA SOO KORDHIYAY ADEEG CUSUB.

I&M BANK AYAA SOO KORDHIYAY ADEEG CUSUB.

Macaamiisha I&M Bank waxa ay hadda awoodaan in ay si aan kala go’ lahayn ula macaamilaan saddex waddan iyaga oo isticmaalaya koonto keliya.

Adeegan cusub ee loo yaqaan I&M Brisk waxa u ogolaanayaa macaamiisha bangiga inay helaan lacag-bixin, dhigasho iyo lacag wareejin mid kasta oo ka mid ah xarumaha bangiga ee Kenya, Rwanda, iyo Tanzania iyagoo isticmaalaya hal koonto kaliya.

Bangiga ayaa sidoo kale qorsheynaya in uu adeeggan uu gaarsiiyo waddamo kale sida; Uganda iyo Mauritius.

Markii hore macmiilka I&M ee Kenya waxa uu mari jiray nidaam dheer oo caajis ah si uu lacag caddaan ah ula baxo, u sameeyo dhigaal, ama lacag u xawilo marka uu u guuro Rwanda ama Tanzania.

“Brisk wuxuu siinayaa macaamiisheena hal akoon oo ku haboon oo daboolaya dhammaan baahiyahooda ganacsi ee gobolka oo dhan. Mar kasta oo macaamiisheena u guuraan gudaha saddexda waddan uma baahnaan doonaan inay furaan xisaab cusub kaliya waxay isticmaali doonaan akoonkoodii hore,” I&M Bank Kenya madaxa fulinta Kihara Maina ayaa ku yiri hadal uu soo saaray Khamiistii.

Marka laga bilaabo adeegga Kenya, Rwanda, iyo Tanzaaniya I&M bangi waxa uu ku biiri Bangiyada kale sida; Equity Group iyo KCB Group kuwaas oo bixiya adeeg isku mid ah suuqyada gobolka.

Adeeggani waxa ka faa’iidaysan doonaa macaamiisha ganacsiga ku leh saddexda waddan iyo macaamiisha gaarka ah ee u safraya arrimo shaqsi ama ganacsi.

Bangiyada waaweyn ee ay hogaaminayaan Equity, KCB, I&M, iyo DTB ayaa si qoto dheer u sii kordhinayay joogitaankooda gobolka si ay u raadiyaan korriin iyo kala duwanaansho.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )