
TALYAANIGA AYAA KU GANAAXAY GOOGLE LACAG DHAN $766,350.
Maamulka isgaarsiinta Talyaaniga ayaa sheegay Talaadadii in ay ganaax lacageed oo dhan 750,000 Yuuro oo u dhiganta 766,350 oo doolar ku ganaaxday shirkadda teknolojiyada ee Google ka dib markii ay sameeyeen khiyaano dhinaca xayeesiiska ah.
Hay’adda AGCOM ee dalka Talyaaniga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay sidoo kale ganaax lacageed oo dhan 700,000 oo Yuuro ku ganaaxday shirkadda TOP ADS oo ah shirkadda sameeyay xayaysiinta.
Google ayaan weli ka hadlin arintan..