
WAX KU IIBSIGA KAARARKA OO GAARAY HEERKIII UGU SAREEYAY
Isticmaalka kaararka bangiga si loogu dukaameysto badeecadaha iyo adeegyada ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay 4.4 milyan oo macaamil bishii Maajo, taasoo muujineysa kororka kharashka macaamiisha iyo soo jiidashada in dadka ay doortaan inay kaararka wax ku bixiyaan.
Xogta laga helay Bangiga Dhexe ee Kenya (CBK) ayaa muujineysa in isticmaalka kaararka oo u badan kuwa ATM-ka (debit) iyo kaararka goobaha wax lagu iibiyo ayaa kor u kacay halka uu ahaa 676,275 wax kala iibsi bishii August 2014-kii.
Tani waxay ka dhigan tahay kobaca sanadlaha isku dhafan ee 27.16 boqolkiiba ku dhawaad siddeed sano. Qiimaha wax kala iibsiga ayaa sidoo kale si degdeg ah u kordhay isla muddadaas oo gaaray Sh20.7 bilyan oo ah boqolkiiba 21.2 koror sannadkii.