KENYA AYAA DIGNIIN U DIRTAY FACEBOOK

KENYA AYAA DIGNIIN U DIRTAY FACEBOOK

Hay’adda ilaalisa is-dhexgalka qawmiyadaha Kenya ayaa u qabatay Facebook muddo toddobo maalmood inay wax uga qabato hadalada nacaybka iyo kicinta ee la xiriira doorashada dalka ee dhacaysa  bisha soo socota, haddii ay taasi dhici weysana la hakinayo howlaheeda.

Kooxda u dooda xuquuqda aadanaha ee Global Witness ayaa warbixin ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in Facebook ay aqbashay oo ay qaaday in ka badan 12 xayaysiis siyaasadeed oo ka hor imaanaya shuruucda Kenya.

“Facebook waxa uu ku xad-gudbay shuruucda dalkeenna. Waxay isu oggolaadeen in ay noqdaan kuwa horseeda hadallada nacaybka iyo kicinta, war-xumada iyo welwelgelinta,” Danvas Makori oo ah guddoomiyaha NCIC ayaa yiri Jimcihii.

Facebook waxa ay qaaday “tallaabooyin ballaaran” si ay meesha uga saarto hadalada naceybka ah iyo waxyaabaha xanafta leh, waxayna sii xoojinaysaa dadaalladaas ka hor doorashada, afhayeen u hadlay shirkadda ayaa u sheegay Reuters.

“Waxaan leenahay kooxo ku hadla Sawaaxiliga iyo tiknoolajiyada ogaanshaha firfircoon si ay nooga caawiyaan inaan si degdeg ah oo miisaan leh uga saarno waxyaabaha waxyeelada leh,” ayuu yiri afhayeenka.

NCIC waxay wadahadal la yeelatay Maamulka Isgaarsiinta Kenya oo maamusha shirkadaha baraha bulshada, waxayna ku talin doontaa in la hakiyo howlaha Facebook, ayuu yiri Makori.

Wuxuu ku eedeeyay Facebook inay ku xad gudubtay dastuurka Kenya iyo sharciyada lagu maamulo hadalada nacaybka iyo isticmaalka baraha bulshada.

“Dalkan waxa uu ka weyn yahay shirkad baraha bulshada ama hay’ad ma ogolaanayno Facebook ama shirkad kale oo baraha bulshada ah in ay amniga khalkhal geliso,” ayuu yiri.

NCIC waa hay’ad sharci oo loo aasaasay si ay u kobciso wada noolaanshaha qowmiyadeed ee 45-ka qabiil ee Kenya, kuwaasi oo qaarkood ay isku beegsadeen rabshadihii doorashooyinkii hore.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )