INDONESIA AYAA XANNIBTAY PAYPAL, YAHOO IYO KUWA KALE.

INDONESIA AYAA XANNIBTAY PAYPAL, YAHOO IYO KUWA KALE.

Indonesia ayaa xannibtay shirkadaha Yahoo, Paypal iyo dhowr shabakadood oo ciyaaraha game ka ah ka dib markii ay ku guuldareysteen inay u hogaansamayaan xeerka cusub ee shati qaadashada sarkaal ayaa Sabtidii sheegay.

Xeerka diiwaangelinta ayaa la sii daayay November 2020 waxaana lagu amray dhammaan shirkadaha inay u hogaansamaan xeerarka cusub ayna qaataan shatiga.

Dhowr shirkadood oo teknooloji ah ayaa u degdegay inay is diiwaangeliyaan maalmo ka hor wakhtiga kama dambaysta ah oo la kordhiyay ilaa Jimcaha, waxaa ka mid ahaa shirkadahaasi Google, Facebook, Instagram, WhatsApp iyo Amazon.com

Semuel Abrijani Pangerapan oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Isgaarsiinta Indonesia ayaa ku sheegay fariimaha qoraalka ah mareegaha la xannibay in ay yihiin Yahoo, Paypal, Steam, Dota2, Counter-Strike iyo EpicGames, iyo kuwa kale.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )