
GOOGLE WALLET HADDA WAA DIYAAR
Bishii Maajo inta lagu guda jiro shirkeeda sannadlaha ah ee Google waxay sheegtay inay ku dari doonto Google Pay adeegyo dhowr ah oo ku kala firirsan ababkeeda kale ay u bixin doonto: Google Wallet.
Hadda, Google Wallet wuxuu si rasmi ah uga shaqeynayaa oo laga heli karaa si loo soo dejiyo 39 waddan, in kasta oo ay si ka duwan uga shaqeyn doonto suuqyada qaarkood.
Google Wallet waxa lagu soo daray habka lacag bixinta kaararka tallaalka, lacagaha gaadiidka iyo tigidhada. Adeegyadan waxay la mid yihiin waxa Apple ay ku bixiso adeegeeda Apple Wallet, laakiin nooca Google wuxuu leeyahay faa’iidooyin gaar ah sida isdhexgalka barnaamijyada kale ee Google sida Maps ka.
Magaca ayaa jahawareerin doona isticmaaleyaasha qaar marka loo eego in Google ay horay u soo saartay app la yiraahdo Google Wallet 2011, ka dina Google Pay. Hadda iyadoo Pay uu jiro waxaa laga dhigay Wallet.
Inta badan suuqyada Google Pay waxa uu si fudud u noqon doona Google Wallet iyada oo loo marayo casriyeyn toos ah. Laakiin gudaha Maraykanka iyo Singapore waxay diyaar u ahaan doonaan ina ay kala soo degaan Google Play.