
GOOGLE PLAY AYAA YEELANAYA CALAAMAD CUSUB
Google Play ayaa yeelanaya calaamad cusub maanta ka dib sannad guuradiisii 10-aad. Google ayaa wax yar ka beddeshay qaabka guud ee astaanta Google Play, balse isbeddellada ugu caansan ayaa ah midabada firfircoonida yar ee aad ugu dhow midabada cagaarka, jaalaha, buluugga iyo casaanka ah ee ay Google u isticmaasho adeegyo kale oo badan. Waa habayn daahsoon oo waliba dhamaystiraysa summada Chrome-ka cusub ee la cusboonaysiiyay horaantii sanadkan.
“Waxaan soo bandhigeynaa calaamad cusub oo si fiican uga tarjumeysa sixirka Google oo u dhigma calaamadaha ay wadaagaan qaar badan oo ka mid ah adeegyada waxtarka leh sida; Search,Photos,Gmail iyo kuwa kale,” ayuu yiri Tian Lim oo ka tirsan Google Play. Summada cusub iyo astaanta ayaa ku soo beegmaysa 10 sano kadib markii laga beddelay magacii hore ee ahaa suuqa Android 2012.
“Toban sano ka dib in ka badan 2.5 bilyan oo qof oo ku nool in ka badan 190 waddan ayaa isticmaala Google Play bil kasta si ay u ogaadaan barnaamijyada ciyaaraha iyo waxyaabaha dijitaalka ah,” ayuu yiri Lim. “Iyo in ka badan 2 milyan oo injineero ah ayaa nala shaqeeya si aan u dhisno ganacsigooda oo ay u gaaraan dadka adduunka oo dhan.”