
PREMIER BANK AYAA SOO KORDHIYAY ADEEG LACAG DIRID OO CAALAMI AH.
Premier Bank ayaa daahfury adeegga lacag dirida caalamiga ah ee Wallet Send, adeeggan ayaa u suura gelinaya isticmaalayaasha Premier Wallet in ay lacag u diri karaan looguna soo diro in ka badan 110 wadan.
Adeeggan ayaa si toos ah lacag ugu diri kara Kontada bangiyada, adegga Mobile ka gacanta iyo goobaha lacag bixinta ee laga qaato lacagaha cadaan ka.
“La jaanqaadidda nidaamyada maaliyadda castiga ah ee dunidu u guureyso waxa ay muhiim u tahay bulshadeenna, haddii la macaamilka lacagaha gudaha aan horay elektaroonik uga dhignay, hadda waxaa la joogaa xilli ay macaamiisheenu dunida wax ugu diri karaan nidaam casri ah”. Ayuu yiri madaxa gaacsiga Premier Bank Cabdisharkuur Afrax.
“Bulshadeenna waa bulsho socdaasha oo xubnaha qoysasku dalal kala duwan ku kala noolyihiin oo ay qasab tahay inay wax isku diraan, sidaas darteed ayaan adeeggaan muhiimmad gaar ah u siinay” ayuu ku daray.
Macaamiisha lacagaha u diraya dalalka Kenya iyo Turkiye ayaa laga dhaafay khidmadda lacag dirista marka ay adeegsanayaan Wallet Send, si ardayda iyo qoysaska ku nool loogu fududeeyo helista lacagaha ay ehelkoodu u dirayaan.
Premier Wallet oo ah application lacag dirid kii ugu horreeyay ee laga hirgeliyay dalka ayaa isku xiraya adeeg bangiyeed online ah, Mastercard, lacag diris fudud oo gudaha ah iyo lacag dirista caalamiga ah ee Wallet Send.