NETFLIX WAXAY LUMISAY KU DHAWAAD ​​HAL MILYAN OO MACAAMIIl

NETFLIX WAXAY LUMISAY KU DHAWAAD ​​HAL MILYAN OO MACAAMIIl

Netflix ayaa sheegtay Talaadadii in ay lumisay 970,000 macaamiil rubuci labaad ee 2022. Shirkaddu waxa kale oo ay sheegtay in ay ku dari doonto hal milyan oo macaamiil ah rubuci saddexaad, tiradaas oo waxyar ka hoosaysay rajada Wall Street.

Ka dib markii ay shaaca ka qaaday bishii Abriil inay lumisay 200,000 oo macmiil taasoo keentay hoos u dhac ku yimid qiimaha saamigeeda, dhammaan indhuhu waxay eegayeen Netflix Talaadadii, iyada oo Wall Street, Hollywood iyo warbaahinta adduunka oo dhan ay diiradda saareen lambarrada is-diiwaangelinta. Saamiyada shirkadu aad ayay hoos ugu dhaceen.

Khasaaraha ugu weyn ee macaamiisha Netflix ayaa ka yimid suuqeeda ugu weyn Mareykanka iyo Kanada, halkaas oo ay lumisay 1.3 milyan isticmaale rubuci labaad.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )