
GOOGLE AYAA SAXIIXDAY XEERARKA CUSUB EE INDONESIA
Indonesia ayaa sheegtay Khamiistii in shirkadda Google ay saxiixday xeerarkeeda cusub ee shatiga aaladaha tiknoolajiyada, laakiin waxay ka digtay in shirkadaha aan weli isdiiwaangelin la xannibi doono shan maalmood gudahood.
Semuel Abrijani Pangerapan oo ka tirsan wasaaradda isgaarsiinta ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Amazon iyo Alibaba ay ka mid yihiin shirkadaha aan weli u hoggaansamin.
Wakiilada Amazon iyo Alibaba ayaan ka warbixin arintaani.
Dawladdu waxay u qabatay arbacadii ugu dambaysay shirkadaha inay saxiixaan oo badidoodu sidaas ayay sameeyeen horaantii toddobaadkan.
Xeerarkan cusub ayaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo jawi wanaagsan oo dhanka internetka ah, ayay dowladdu sheegtay, laakiin dhaqdhaqaaqayaasha iyo kooxaha bulshada rayidka ah ayaa sheegaya in xeerarku ay ka mid yihiin kuwa ugu caburinta badan ee ka jira gobolka oo khatar ku ah xorriyadda hadalka.