
SHIRKADDA ISGAARSIINTA QATAR EE OOREDOO OO KA BAXAYSA MYANMAR
Shirkadda isgaarsiinta Qatar ee Ooredoo ayaa bilowday wada hadallo ay ku iibinayso qaybteeda Dalka Myanmar, tani waxay calaamad u tahay in shirkaddii ugu dambeysay ee isgaarsiinta ajnabiga ah ay ka baxayso dalkaasi, sida ay wakaaladda wararka Reuters u sheegeen laba qof oo arrintan la socda.
Ooredoo oo fadhigeedu yahay Doha ayaa ku wargelisay Waaxda Boostada iyo Isgaarsiinta Myanmar (PTD) inay iibinayso xarunteeda Myanmar oo leh ku dhawaad 15 milyan oo isticmaale sanadkii 2020.
Iibsadayaasha ugu waaweyn ee shirkadda waxaa ka mid ah kooxda Myanmar ee Young Investment Group, Campana Group oo xarunteedu tahay Singapore, iyo shirkadda isgaarsiinta SkyNet, hal qof oo arrintan si toos ah ula socda ayaa u sheegay Reuters. Skynet waxaa iska leh kooxda Myanmar ee Shwe Than Lwin.
Waaxda isgaarsiinta Myanmar ayaa la kulantay cadaadis tan iyo markii millatarigu la wareegay awoodda 2021.
Horaantii todobaadkan bangiga dhexe ee Myanmar ayaa ku amray shirkadaha gudaha iyo bangiyada in ay joojiyaan oo ay dib u dhigaan dib u bixinta deymaha shisheeye.
Ooredoo waa shirkaddii ugu dambaysay ee ay lahaayeen ajnabiga, kaddib markii shirkadda Telenor ee laga leeyahay dalka Norway ay isaga baxday dalkeeda bishii March ee sannadkan, kaddib markii ay dhibaato badan ku timid.