
RUUSHKA AYAA KU GANAAXAY GOOGLE $365 MILYAN
Ruushka ayaa Google ku soo rogay ganaax lacageed oo gaaraya $365 milyan (21.1 billion rubles) kadib markii ay ku guuldareysatay inay tirtiro muuqaallada YouTube-ka ee ka hor imaanaya shuruucda dalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. War-saxaafadeed la turjumay maamulaha isgaarsiinta Ruushka Roskomnadzor wuxuu sheegay in YouTube aysan raacin amarrada la soo saaray “waxyaabaha la mamnuucay,” oo ay ku jiraan fiidiyowyada sida; xagjirnimada iyo argagixisada iyo sidoo kale macluumaadka beenta ah ee ku saabsan dagaalka Ukraine.
Google ayaa bishii May ku dhawaaqday qorshaheeda ay ku xirayso howlaheeda Ruushka, iyadoo sheegtay in mas’uuliyiinta dowladda ay la wareegeen hantideeda dalka.
Ruushka iyo Google ayaa horey u dagaalamay. Bishii Disembar ee la soo dhaafay Ruushka ayaa Google ku ganaaxay $100 milyan mar kale inuu ku guuldareystay inuu tirtiro waxyaabaha la mamnuucay, laakiin arrimuhu waxay sii kordheen ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine. Sida shirkado kale oo badan oo tiknoolajiyadeed Google waxay ka jartay macaamiishii Ruushka adeegyo kala duwan waxay joojisay iibinta xayaysiisyada Google-ka.