MALAYSIA AYAA IIBINAYSA SAAMIGA 5G BOQOLKIIBA TODOBAATAN.

MALAYSIA AYAA IIBINAYSA SAAMIGA 5G BOQOLKIIBA TODOBAATAN.

Malaysiya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo qorshe 70% saami qaybsi ah oo ay dawladda ku leedahay 5G kaga iibinayso lix shirkadood isbuuca soo socda, wasiirka isgaarsiinta iyo warbaahinta Annuar Musa ayaa Khamiistii sheegay.

Dawladda Malaysiya waxay rabtaa inay soo gabagabayso wadahadalka ku saabsan iibinta saamiga ee Digital Nasional Berhad dhammaadka Juunyo.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa bishii hore sheegtay in afarta shirkadood ee isgaarsiinta ugu waawayn Malaysia ay raadiyeen saamiga ugu badan, iyaga oo ka hortagaya soo jeedinta dowladda ee ah in la siiyo sami aad u yar.

Wasiir Annuar ayaa sheegay in ku dhawaaqis rasmi ah ay iman  karto toddobaadka soo socda, isla markaana wada-hadallada ay u socdaan sidii loogu talagalay.

“Waxay gaareen isfaham gaar ah, wax walbana waxaa la soo gabagabayn doonaa isbuuca soo socda, siddeedda Luulyo,” Annuar ayaa u sheegay warfidiyeenka.

Ma uusan bixin wax tafaasiil ah.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )