BANKIGA DHEXE EE SOOMAALIYA AYAA SHATI SIIYAY BANGIYADA MASAR IYO TURKIGA

BANKIGA DHEXE EE SOOMAALIYA AYAA SHATI SIIYAY BANGIYADA MASAR IYO TURKIGA

Dowladda Soomaaliya ayaa siisay shati shaqo bangiga laga leeyhay Turkiga ee Ziraat Katılım, Bangigan ayaa noqonaya bangigii ugu horreeyay ee caalami ah oo Turki ah oo ka howlgala dalka ku yaalla Geeska Afrika.

Kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa warsaxaafadeed uu soo saaray bangiga dhexe ee Soomaaliya lagu sheegay in uu fasaxay in labo bangi oo caalami ah ay ka howlgalaan Soomaaliya.

Ansixinta Ziraat Katılım iyo Banque Misr ee Masar ayaa timid ka dib markii agaasimayaasha bangiga dhexe ay yeesheen kulan caadi ah 2-dii bishii July, kaas oo looga hadlay codsiyada shatiga, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war uu soo saaray ku sheegay.

Codsiga labadan bangi ayaa soo maray muddo bilo ah, waxayna labada bangi hadda xarumo ka sameysan karaan Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka.

“Waxaan ku faraxsanahay in guddoonku uu ansixiyo codsiga shati-siinta ee bangiyada Ziraat Katilim iyo Banque Misr,” ayuu yiri guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Wuxuu sheegay Ziraat Katılım inuu yahay bangi Wayn oo wax badan ku soo kordhin doona horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, islamarkaana ka qeyb qaadan doona kobaca dhaqaalaha dalka.

Soomaaliya ayaa sheegtay in labada bangi ee ka howlgali doona dalka ay cadeyn u tahay guusha laga gaaray dib u habeynta waaxda maaliyadda dalka si sare loogu qaado fursadaha maalgashiga.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir gaar ah, iyadoo shirkadaha Turkiga ay hadda maalgashi ku sameynayaan dalka ku yaalla Geeska Afrika.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta oo Axad ah tagi doono dalka Turkiga si uu ula kulmo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Safarkan oo qaadan doona saddex maalmood ayaa noqon doona booqashadii ugu horreysay ee Maxamuud uu ku tago Turkiga tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii May. Wuxuu sidoo kale soo noqday madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012 iyo 2017.

Xiriirka labada dal iyo tillaabooyinka kor loogu qaadayo iskaashiga ayaa si qoto dheer looga wada hadli doonaa inta lagu guda jiro booqashada, taasoo ku timid martiqaad uu ka helay Erdoğan, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )