
PREMIER BANK OO QIIMO DHIMIS U SAMEEYAY XUJAYDA SOOMAALIYEED.
Xujayda Soomaaliyeed ee gudanaysa Xajka sanadkan waxay fursad u heli doonaan inay si bilaash ah ku helaan MasterCard ka Premier Bank sidoo kale 30 maalmood waxaa laga dhaafi doonaa qidmada wax ku iibsiga online ah iyo lacag kala bixida ATM yada sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay bangiga.
Madaxa Xiiirka Bulshada ee Premier Bank, Axmed Nur Mohamed ayaa yiri: “Xujayda sanadkan kama walwali doonaan arimaha la xiriira maamulka kharashaadkooda ee waxa ay fursad fiican u heli doonaan inay diirada saaraan cibaadada iyo gudashada acmaasha xajka sida ugu haboon”
Qiimo dhimistan ayaa waxa ay ka dhigan tahay midii ugu waydnay ee loo sameeyo xujayda soomaaliyeed tan iyo markii ay soo if baxeen bangiga bixiya Mastercad ka.