SAMSUNG AUSTRALIA OO LAGU GANAAXAY $9.6M

SAMSUNG AUSTRALIA OO LAGU GANAAXAY $9.6M

Maxkamad ayaa ku amartay maaltii Khamiista shirkadda Samsung Electronics inay bixiso ganaax dhan A$14 milyan ($9.65 milyan) ka dib markii sagaal nooc oo xayaysiin marin habaabinta ah ay samaysay shirkaddda.

Samsung Australia waxay qiratay inay marin habaabisay iibsadayaasha qaar ka mid ah taleefanadeeda ‘Galaxy’ dhanka heerka iska caabbinta biyaha, Guddiga Tartanka & Macmiilka Australia (ACCC) ayaa yiri.

Samsung Australia ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in tani aysan ahayn arrin ku saabsan taleefanada casriga ah ee hadda jira.

Intii u dhaxaysay Maarso 2016 iyo Oktoobar 2018, shirkadda waxay samaysay xayeesiin ay ku sheegayso in taleefannada lagu isticmaali karo barkadaha ama biyaha badda.

ACCC waxay heshay boqollaal cabasho oo ka yimid isticmaalayaasha iyagoo sheegaya in taleefannada casriga ah aysan si sax ah u shaqeynin ama xitaa ay gebi ahaanba joojiyeen shaqada ka dib markii ay biyaha ay gaareen.

Samsung iyo ACCC waxay isku raaceen in isbeddelka ay shirkaddu ku samaysay moodooyinka cusub ee talefannada casriga ah ee lagu soo bandhigay Australia bishii Maarso 2018 aysan la kulmin khataraha biyaha, ayay shirkaddu sheegtay.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )