CISO IYO NIKE AYAA ISAGA BAXAYA RUUSHKA

CISO IYO NIKE AYAA ISAGA BAXAYA RUUSHKA

Shirkadaha Mareykanka ee Cisco iyo Nike ayaa qorsheynaya inay si buuxda uga baxaan Ruushka, labada shirkadood ayaa u sheegay Reuters Khamiista, iyadoo xawliga shirkadaha reer galbeedka ee ka baxaya wadanka Ruushka ay sii kordhayaan.

Shirkadda sameysa qalabta isgaarsiinta ee Cisco ayaa hoos u dhigi doonta ganacsigeeda Ruushka iyo Belarus sida ay shirkadda sheegtay.Nike ayaa si buuxda uga baxaysa Ruushka saddex bilood ka dib markii ay joojisay hawlihii ay ka waday halkaasi, shirkadda soo saarta dharka ciyaaraha ayaa sidaasi tiri.

Shirkadaha ajnabiga ah ee doonaya in ay uga baxaan Ruushka dagaalka ka socda Ukraine awgiisa ayaa wajahaya cabsi sasabtoo ah sharci cusub oo la soo saari doono toddobaadyada soo socda oo u oggolaanaya Moscow inay la wareegto hantida ayna ku soo rogaan ciqaabo dambiyeed. Tani ayaa ku dhiirigelisay shirkadaha qaarkood inay dardargeliyaan ka bixidooda Ruushka.

Paul Musgrave, oo ah Macallin culuumta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Massachusetts, ayaa yiri “Waxa ay ahayd qulqul markii hore hadda waxa ay noqonaysa togag”, isagoo ka faalloonaya ka bixidii ugu dambaysay shirkadaha ay ku dhawaaqeen.

Cisco ayaa hakisay hawlihii ganacsiga oo ay ku jiraan iibinta iyo adeegyada kale gudaha Ruushka bishii Maarso.

Horaantii bishan shirkadda ay xafiiltamaan Cisco ee International Business Machines Corp (IBM) ayaa bilaabtay inay hoos u dhigto ganacsigeeda Ruushka,  sidoo kale Microsoft waxay sheegtay inay dhimayso ganacsigeeda Ruushka.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )