
TALEEFANADA APPLE IYO ANDROID OO LA BASAASAY
Aaladaha wax lagu jabsado ee ay leedahay shirkad Talyaani ah ayaa loo isticmaalay in lagu basaaso taleefanada shirkadaha Apple iyo Android ee wadamada Talyaaniga iyo Kazakhstan sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay shirkadda GOOGLE.
Google ayaa sheegtay in ay qaaday talaabo ay ku ilaalinayso dadka isticmaala nidaamka ay ku shaqeyso ee Android-ka waxaana ay ku wargelisay spyware-ka.
Shirkadaha sameeya Spyware ka ee dowaladaha u adeega ayaa sii ku sii kordhaya dunida taasi oo ay sabab u noqotay badqabka xogta dadka isticmaala taleefanada casriga ah.