
TOYOTA AYAA 50,000 OO BAABUUR KA DHIMAYSA WAX SOO SAARKA BISHA LUULYO
Shirkadda soo saarta baabuurta ee Toyota ayaa arbacadii sheegtay in ay dhimayso wax soo saarka baabuurta bisha soo socota ee July, shirkadda ayaa ka dhimi doonta 50,000 oo baabuur wax soo saarkeeda.
Shirkadda baabuurta samaysa ee adduunka ugu weyn marka la eego xagga mugga ayaa rajaynaysa in ay samayso 800,000 oo baabuur bisha soo socota, ayay ku tirii warbixin ay soo saartay.
Toyota iyo shirkadaha kale ee baabuurta sameeya waxay la daala dhacayaan duruufaha uu sababay cudurka COVID-19 oo ka dhashay in wadamo badan ay xirtaan xuduudahooda.
Toyota ayaa ku adkaysatay hadafkeeda wax-soosaarka caalamiga ah ee sannadlaha ah ee 9.7 milyan oo baabuur, in kasta oo shirkaddu ay bishii Maajo muujisay in khalkhal dhinaca saadka ah ugu dambayn ku qasbi karto inay hoos u dhigto tiradaas.