INSTAGRAM AYAA TIJAABINAYSA QALAB CUSUB OO LAGU XAQIIJINAYO DA’DA

INSTAGRAM AYAA TIJAABINAYSA QALAB CUSUB OO LAGU XAQIIJINAYO DA’DA

Instagram ayaa sheegtay Khamiistii inay tijaabinayso hab cusub oo isticmaalayaasha lagu xaqiijinaayo da’dooda, tijaabadaan ayaa lagu bilaabI doonaa wadanka Mareekanka.

Adeegga sawir wadaagga ah ee ay leedahay Meta Platforms ayaa sheegtay in ay tijaabinayso laba hab oo cusub oo lagu xaqiijinayo da’da qofka iyo inay soo geliyaan aqoonsiga qofka.

“Markaan ogaano in qofka uu yahay da’yar (13-17 sano) waxaan siinaa talo ku habboon da’da sida; ka saarista akoonnada gaarka ah, ka hortagga xiriirka aan loo baahnayn ee dadka waaweyn ee aysan garanaynin,” Erica Finkle, oo ah agaasimaha maamulka xogta ee Meta, ayaa tiri.

Instagram ayaa sheegtay in ay iskaashi la samaysay Yoti, oo ah shirkad ku takhasustay xaqiijinta da’da si loo hubiyo da’da saxda ah ee isticmaalayaasha.

Isticmaalayaasha ayaa soo gelin kara sawir muuqaal ah si ay u xaqiijiyaan da’dooda, ka dib tiKnoolajiyada Yoti ayaa qiyaaseysa da’dooda iyadoo lagu saleynayo qaababka wajiga. Meta iyo Yoti labaduba waxay tirtiri doonaan sawirka marka da’da la xaqiijiyo, Instagram ayaa sidaas tiri.

Ikhtiyaar kale ayaa ah in dadku ay doortaan saddex qof oo raacsan si ay u xaqiijiyaan da’da isticmaalaha, iyo qofka xaqiijinaya waa inuu ahaadaa ugu yaraan 18 jir.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii Instagram ay hakiyay bilaabida Instagram Kids sanadkii hore, ka dib markii ay la kulmeen dhaleeceyn iyo diidmo badan.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )