NIGERIA AYAA FACEBOOK IYO TWITTER UGU BAAQDAY INAY XAFIIS KA FURTAAN DALKEEDA.

NIGERIA AYAA FACEBOOK IYO TWITTER UGU BAAQDAY INAY XAFIIS KA FURTAAN DALKEEDA.

Baraha bulshada sida Twitter, Facebook iyo Tiktok ayaa looga baahan doonaa in ay is diiwaan geliyaan oo ay xafiisyo ka furtaan Nigeria soona magacaabaan qof ay dowladda kala xiriirto  xeerar qabyo ah oo ka soo baxay wakaaladda horumarinta tignoolajiyada ayaa sidaas lagu sheegay.

Xeerkaan waxaa loola jeedaa in lagu xakameeyo xad-gudubka online-ka ah Wakaaladda Horumarinta Tignoolajiyada Qaranka (NITDA) ayaa ku sheegtay xeerarka lagu daabacay shabakadeeda. War qoraal ah oo ka soo baxay afhayeenka hay’adda oo ku taariikhaysnaa 13-kii June ayaa lagu sheegay in xeerarkan lagu soo saaray talooyin laga helay Twitter, Facebook, WhatsApp, Instagram, Google, TikTok iyo kuwo kale.

Barahaan bulshada waxay caan ka yihiin Nigeria oo ah waddanka ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin in ka badan 200 milyan oo qof.

Nigeria ayaa horaantii sanadkan xayiraada ka qaaday Twitter-ka iyadoo sheegtay in shirkadda fadhigeedu yahay Mareykanka ay ogolaatay in ay sameyso xafiis maxalli ah oo ka mid ah heshiisyada kale ee ay la gashay maamulada.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )