
GOOGLE AYAA MAALGESHI KU SAMAYNAYSA BRAZIL
Google Cloud ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay 1.6 bilyan reais ($ 312.65 milyan) ku maalgelisay kaabayaasha farsamada tan iyo sandkii 2017 dalka Brazil iyo sidoo kale furitaanka xafiis cusub iyo xarunta injineerada ee dalka Brazil.
Maalgelinta Google Cloud waxaa loogu talagalay in lagu “caawiyo macaamiisha shirkadda si ay u badiyaan adeegyadooda faylalka, ballaarinta awooddooda dijitaalka ah, iyo in ay sameeyaan ganacsi cusub,” ayay shirkaddu ka sheegtay munaasabadda Google for Brazil ee Sao Paulo, oo ah caasimadda dhaqaalaha ee waddanka.
“Inta lagu guda jiro muddadan (shanta sano) qadar 1.6 bilyan reais ah ayaa loo qoondeeyey si loo hagaajiyo kaabayaasha farsamada Google Cloud ee Brazil.”
Google ayaa sidoo kale ku dhawaaqday furitaanka xarun cusub oo injineernimo oo laga furayo Sao Paulo iyo xafiis cusub oo Google Cloud ah sanadka 2023.
Bishii Janaayo Google ayaa sheegtay in sanadkan ay shaqaaleysiin doonto 200 oo injineero gudaha Brazil, iyadoo dooneysay inay xoojiso sirteeda, amniga iyo tignoolajiyada ka hortagta xadgudubka.
Qorshayaasha maalgashi ee Google ayaa adkayn doona tartanka u dhexeeya Google Cloud iyo Amazon Web Services kuwaas oo horeba uga hawlgalay Brazil oo 2020 ku dhawaaqay 1 bilyan reais ($ 195.40 milyan) maalgashiga xarumaha xogta ee Sao Paulo.