UGANDA AYAA HAWADA SARE U DIRI DOONTA DAYAX-GACMEEDKII UGU HORREEYAY BISHA SEPTEMBER

UGANDA AYAA HAWADA SARE U DIRI DOONTA DAYAX-GACMEEDKII UGU HORREEYAY BISHA SEPTEMBER

Uganda ayaa dayax-gacameedkii ugu horreeyay abid u diri doonta meeraha isagoo ka duuli doona Saldhigga Caalamiga ah ee Hawada Sare bisha Sebtembar.

Matia Kasaija oo ah wasiirka maaliyadda, qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa sheegay Talaadadii in daahfurka ay la kaashan doonto maamulka hawada sare ee Mareykanka.

Kasaija waxa uu sheegay in xarun dhulka ah oo ku taal Mpoma  ay heli doonto xogta dayax gacmeedka loogu magac daray PearlAfricaSat-1.

“Xogta dayax-gacmeedkan waxaa loo isticmaali doonaa saadaasha hawada, la socodka deegaanka, qorsheynta magaalooyinka, sahaminta macdanta, iyo maareynta musiibooyinka, iyo kuwo kale,” ayuu yiri wasiirku.

CATEGORIES
Share This

COMMENTS

Wordpress (0)
Disqus ( )