
GOOGLE TRANSLATE AYAA KU DARTAY 10 LUQADOOD OO AFRIKAAN AH
Shirkadda weyn ee tiknoolajiyada caalamiga ah ee Google ayaa ku dartay 24 luqadood oo cusub oo ay ku hadlaan in ka badan 300 oo milyan oo qofood barta Google Translate.
Toban ka mid ah kuwa cusub ee lagu soo daray ayaa loogu hadlaa Afrika waxaa kam mid ah Lingala oo loogu hadlo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Twi oo Ghana ah iyo Tigrinya oo Eritrea ah.
“Muddo sanado ah Google Translate waxay gacan ka geysatey jebinta caqabadaha luqadda iyo isku xirka bulshooyinka adduunka oo dhan,” ayay tiri shirkadda fadhigeedu yahay Mareykanka. Soo kordhintan cusub ayaa looga dan leeyahay in lagu caawiyo kuwa aan afafkooda ka muuqan tiknoolajiyada.
Luqadaha cusub waxaa ka mid ah Bhojpuri oo ay ku hadlaan ilaa 50 milyan oo qof oo ku nool waqooyiga Hindiya, Nepal iyo Fiji, iyo Dhivehi oo qiyaas ahaan 300,000 oo qofood ay ku hadlaan Maldives. Cusboonaysiinta ayaa hadda ka dhigeysa 133 tirada guud ee luqadaha laga heli karo Google Translate.
Sanadkii 2020 Google Translate ayaa ku dartay shan luqadood oo cusub taasi oo ka dhigan ballaarinteedii ugu horreysay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.